Golaha ammaanka UN-ka oo baaq kasoo saarey doorashada Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Jimcadii ansixiyey qaraar ay ku cusbooneysiiyeen, 31-da August, 2021 ay ku gaarsiiyeen muddo xileedka howlgalka UN-ka ee Muqdisho, Soomaaliya.

Qaraarkan tirsigiisu yahay 2,540 oo si wada ogol ah u meelmariyey 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ayaa ku booriyey UNSOM in ay dardargeliyaan waajibaadkooda adkeynta nabada iyo dowladnimada.

Taageerada UNSOM u fidineyso dowlada Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka 2020, qabyo-tirka dastuurka, joojinta colaada, dhex-dhexaadinta, dib u habeynta ammaanka iyo la dirirka musuqa ayay bogaadiyeen.

Sanadkii 2013-kii ayuu isla golahaan aas-aasay UNSOM. Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya [AMISOM] ayayna wada-shaqeeyaan. Kaalintooda waa taageerada dowladda federaalka.

Dhanka kale, golaha ammaanka oo ka hadlay siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo go'aano loo dhan yahay si ay u qabsoonto coddeynta sanadka 2020-21.

"Waxaan ugu baaqeynaa mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay abuuraan jawi siyaasadeed iyo mid ammaan oo hor-tabin leh kaasoo dhabaha u xaaraya doorasho loo dhan yahay guud ahaan Soomaaliya," ayaa la raaciyey qaraarka oo soo jeediyey in la joojiyo hadalada kicinta dhalinaya.

Dowlada federaalka iyo maamulada ayay ku tartarsiiyeen in ay joogteeyaan wadahadalo iyo go'aano isla ogol ah, arrintaas oo ay xuseen in ay fududeyn karto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada.

Muddo xileedka baarlmamaanka haatan jooga wuxuu idlaanayaa November, 2020; xukuumaddana wuxuu xil-heynteeda ku eg-yahay Febraayo, 2021. Qorshuhu wuxuu ahaa qof iyo cod, balse wali leysku raacin nooca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM