Golaha Ammaanka UN-ka oo shir xiran ka yeelanaya Soomaaliya

Image
Ku simaha wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa warbixin ka jeedin doona kulankan.

NEW YORK, USA - Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniinta ah yeelan doona kulan xog-wareysi ah, kadibna waxaa xigi doona wadatashiyo xiran, oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Xubnaha la filayo inay warbixin kooban ka bixiyaan ayaa kala ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan.

Swan ayaa dhowaan waxaa dib loogu magacaabay jagadan isaga oo shaqadiisa ugu weyn ay noqon doonto ka shaqeynta qorshaha wax ka badalka loogu sameynayo UNSOM.

Kulanka ayaa noqon doona markii ugu horreysay oo Swan-oo horay u soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2019 iyo 2022- uu warbixin kooban ka siiyo xubnaha Golaha ka dib markii uu doorkiisa qaatay bishii May.

Shirkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u caddeysay in ay dooneyso in dib-u-habeyn lagu sameeyo xafiiska UNSOM.

Sidoo kale, kulankan ayaa kusoo hagaagaya maalmo kadib markii Midowga Afrika uu go'aamiyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo howlgalka ATMIS kaas oo loo sameynayo magac iyo waajibaad cusub oo horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM