Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta ansixiyay heshiiska ku biirista EAC

Image
Heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 148-Xildhibaan waxaana diiday hal mudane.

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdullahi Omar Abshir (Abshirow) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Hay'adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, iyo heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay'adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo 149-mudane ay ogolaadeen, hal wakiilna uu diiday.

Waxa ay sidoo kale ansixiyeen Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, waxaana ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa markii dambe ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana ogolaatay 148-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM