Golaha Shacabka oo ansixiyey xubnaha guddi lagu muransan-yahay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu meelmariyey xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka, sidda ku cad qoraal maanta kasoo baxay Golaha.

Bayaankan aan lagu caddeyn qaabka ay coddeynta u dhacdey ayaa kasoo baxay fadhiga lixaad, Kalfadhiga sideedaad ee Golaha Shacabka.

"Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Cod Aqliyabad Leh Ku Ansixiyey Xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac Ayaa Ansixinta Kadib U Mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka," ayaa lagu yiri.

Xukuumadda lumisay kalsoonida Golaha Shacabka ayaa 30/7/2020 shaacisay liiska xubnahan Golaha Adeegga Garsoorka, talaabadaas oo la dhalatay doodo sharci ah iyo cambaareyn ka timid xoogaga siyaasadda waddanka.

Isagoo u waramay BBC-da, gudoomiyaha Isu taga Ururada Bulshada Rayadka, Cismaan Muxyadiin Shaatax, ayaa sheegay in walaacooda ugu weyn uu ku qotomo meel marinta Golaha Adeega Garsoorka ay keeni karto dhibaato iyo kala fogaansho hor leh.

"Golahan waa gole muhiim ah oo laf-dhabar u ah dalka, mana haboono in xukuumad kalsoonidii lagala laabtay ay ansixsio golahan sababtoo waxaa fiican in loo daayo xukuumadda cusub. Inaga waxaa doorkeena ah in walaaceena aan la wadaagno shacabka oo aanu u bidhaamino arrintan oo aan aaminsannahay iney sharciga baalmarsantahay, horseedi kartana dhibaato," ayuu yiri.

Dhanka kale, Xisbiga Wadajir oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa tilmaamay in xukuumad xil-haysa ay kaliya awood u leedahay in ay magacowdo golahaan, wuxuuna talaabadda dowladda ku qeexay sharci darro.

"Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqaneysa mid dhismaha guddigan dooneysa in ay ku gasho ololaha doorashada maadaama uu kamid ahaa balanqaadyada coddeynta 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM