Golaha Shacabka oo beeniyay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku lug lahaa weerarkii SYL

Image
Mid ka mid ah kooxdii weerarka geystay ayaa la sheegay in uu watay kaarka aqoonsiga Baarlamaanka.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku lug lahaa weerarkii AS ee ku qaadeen Hotel SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 askari, 27 qofna ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri), ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga ee baraha bulshada dhex wareegaya uu yahay mid been abuur ah.

“Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga lifaaqa hoose ka muuqda uu yahay been abuur, isla-markaana shaqsiga meesha ka muuqda uusan kamid ahayn shaqaalaha Golaha Shacabka” ayuu raaciyay Xoghayaha.

Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in mid ka mid ah kooxihii weerarka geystay oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Liibaan uu watay kaarka aqoonsiga shaqaalanimo ee Baarlamaanka si uu ugu soo maro wadooyinka si fududna uga gudbo kontaroolada ciidamada amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM