Golaha Shacabka oo cod u qaadey Noqoshada Miisaaniyadda 2019

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo Isniinta maanta ah fadhi ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2019.

Miisaaniyadda oo madmadow badan uu ka taagan yahay ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 340,066,501 oo Doolar.

Golaha Shacabka ayaa horey Miisaaniyadda ugu celiyey Wasaaradda Maaliyadda markii ay kasoo baxeen dul-daloole dhanka mushaharka ciidamada iyo meelaha ay ka imaaneyso lacagta ay odorostay.

Fadhigii lagu meelmariyey ee maanta oo ay kasoo muuqdeen 141 xubnood ayaa waxaa gudoomiyey Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Wakiilaha rayidka.

Sidda uu ku dhawaaqay Mursal, 118 mudane ayaa ogolaatay ansixinta Miisaaniyadda, waxaana diidey 15 Xildhibaan. Sideed kale ayaa ka aamustay. Coddeynta waxay ahayd mid gacan taag ah.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo fadhiga kasoo muuqday, ayaa wuxuu u mahadceliyay Xildhibaanadda.

Mudaneyaasha kasoo qeybgalay kulankaan ayaa waxaa ku jira kuwa ka tirsan Laanta Fulinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Sharcidejiyeyaasha wasiiradda ah ee ku jira xeer-dejinta dalka ayaa waxaa lagu sheegayaa in ay gaareyso 70%, taas oo lagu macneeyay xeelad looga hortagayo Mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha.

Meelmarinta miisaaniyadan ayaa u ogolaaneysa xukuumadda Xasan Cali Khayre in ay sanadka soo aadan bilowday isticmaalka Miisaaniyadda cusub oo dhan 400 milyan oo mushahar kordhin loogu sameeyay ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM