Golaha Shacabka oo cod u qaadey Noqoshada Miisaaniyadda 2019

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo Isniinta maanta ah fadhi ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2019.

Miisaaniyadda oo madmadow badan uu ka taagan yahay ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 340,066,501 oo Doolar.

Golaha Shacabka ayaa horey Miisaaniyadda ugu celiyey Wasaaradda Maaliyadda markii ay kasoo baxeen dul-daloole dhanka mushaharka ciidamada iyo meelaha ay ka imaaneyso lacagta ay odorostay.

Fadhigii lagu meelmariyey ee maanta oo ay kasoo muuqdeen 141 xubnood ayaa waxaa gudoomiyey Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Wakiilaha rayidka.

Sidda uu ku dhawaaqay Mursal, 118 mudane ayaa ogolaatay ansixinta Miisaaniyadda, waxaana diidey 15 Xildhibaan. Sideed kale ayaa ka aamustay. Coddeynta waxay ahayd mid gacan taag ah.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo fadhiga kasoo muuqday, ayaa wuxuu u mahadceliyay Xildhibaanadda.

Mudaneyaasha kasoo qeybgalay kulankaan ayaa waxaa ku jira kuwa ka tirsan Laanta Fulinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Sharcidejiyeyaasha wasiiradda ah ee ku jira xeer-dejinta dalka ayaa waxaa lagu sheegayaa in ay gaareyso 70%, taas oo lagu macneeyay xeelad looga hortagayo Mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha.

Meelmarinta miisaaniyadan ayaa u ogolaaneysa xukuumadda Xasan Cali Khayre in ay sanadka soo aadan bilowday isticmaalka Miisaaniyadda cusub oo dhan 400 milyan oo mushahar kordhin loogu sameeyay ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM