Golaha Shacabka oo cod u qaadey Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho.

Fadhiga oo ahaa kulankii 7aad ee kalfadhiga 6aad ee Aqalka Hoose ayaa waxaa soo xaadirtay 140 Sharcidejiye.

Afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa shir gudoomiyey kulanka, waxaana ku wehliya Guddomiye Ku Xigeenka Labaad, Mahad Cawad Cabdalla.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa;

1-Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

2-Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Notaayadda Dadweynaha

3-U Codeynta Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017

4-Sii Wadida Ka Doodista Maxdarka Xildhibaanadda

Dood dheer kadib, mudaneyaasha ayaa cod u qaaday Xisaab Xirka Miisaaniyada 2017, waxaana natiijadda ay noqotay; 128-Xildhibaan ayaa ogolaatay; 8 diiday iyo shan kale oo ka aamustay.

Ansixintan ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen Miisaaniyada Dowladda ee 2020-ka, taasoo lagu kordhiyey mushaharka ciidanka xoogga oo la gaarsiiyey 200 oo Doollar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM