Golaha Shacabka oo dib u dhigay ansixinta metelaada gobolka Banaadir

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah wuxuu dib u dhigay u coddeynta xeerka metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sarre.

Sidda ay xaqiijinayeen warar xog ogaal ah, talaabadaan ayaa salka ku haysa cabsi laga qabay in buuq iyo fowdo ay sameeyeen qaar kamid ah xubnaha Aqalka Hoose oo kasoo horjeeda ama su'aallo ka qaba qadiyaddaan.

Fadhigii maanta lagu wadday in ay mudaneyaasha cod ugu qaadaan arrintaan ayaa saacado dib u dhacay "si sharci-dejiyeyaasha u ololeynaya arrintaan loogu qanciyo in la baajiyo ajendihii maanta loo qorsheeyay".

Guddoonka golaha iyo xildhibaanadda ayaa la fahansan yahay in kulan ay yeesheen isla markaana isla meel-dhigeen in maanta lasoo gabagabeeyo dooda qadiyadaan isla markaana loo codeeyo Sabtida soo aadan.

Xildhibaano tiradooda ay gaareyso 130 ayaa gudbiyey Mooshin ay ku goobayaan in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Senate-ka.

Xubnaha naqdiyey ayaa cuskaday in ay baalmarsan tahay dastuurka dalka loona yahay in la helo maqaamka kahor inta aan la raadin metelaad.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysa ajendahaan oo qayb ka ah ololaha doorashooyinka soo aadan ee madaxweyne Farmaajo, kaas oo ku guuldareystay in uu wadahadalo la yeesho saamileyda dalka.

Metelaada gobolka Banaadir ayaa qayb ka ah xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka ee horyaala Golaha Shacabka kuwaasoo ay qoonsadeen qaar kamid ah maamulada waddanka, kana digeen in la ansixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM