Golaha Shacabka oo ku kala qeybsamay gogosha Garowe

Image
Labo fadhi oo ay mudaneyaasha ka yeesheen shirweynaha ayay muujiyeen sidda ay ugu kala fog yihiin aragti ahaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go'aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay.

Sidoo kale, Xildhibaanada taageersan Villa Soomaaliya ayaa aad u naqdiyay gogosha ay Puntland dhigtay Garowe, halka kuwa mucaaradka ay soo dhaweeyeen fadhigaas.

Xildhibaannadu waxay falanqeeyeen isla xisaabtanka Hay'adaha Dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go'aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM