Golaha Shacabka oo ansixiyey sharci sababay burburka Shirkii Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ah waxa uu kulan ku yeeshay xaruntiisa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Fadhiga kulanka oo ay soo xaadireen 145 mudane ayaa waxaa gudoomiyey Cabdiwali Ibraahim Muudey, ku xigeenka labaad ee afhayeenka Golahaasi.

Ajendayaasha kulanka lagu gorfeeyay ayaa waxaa jirayku  Sharciga Qeybsiga Kheyraadka, Heshiiska caalamiga ee Naafada iyo Xeerka Saxaafada madaxa banaan.

Dood dheer kadib, xildhibaanada ayaa meel-mariyey Qeybsiga Kheyraadka iyo heshiiska naafada xili ay dib u celiyeen xeerka saxaafada oo akhrinta labaad maraya, kaasi oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Sharciga Qeybsiga Khayraadka oo qaraar Baarlamaani ah ayaa waxaa ogolaatay 140 mudane, waxaa ka aamustay 5 Xildhibaan xili uusan jirin Sharcidejiye kasoo horjeestay.

Si lamida Axadiga Caalamiga ah ee Nafaada ayaa waxaa ka aamusay hal Xildhibaan, waxaana u coddeysay 144 mudane oo xaadir ku ahayd fadhiga Aqalka Hoose.

Hindisa Sharciyeedka Qeybsiga Kheyraadka ayaa waxaa soo gudbiyey oo uu soo gudbiyey Guddiga Kheyraadka ee Golaha ayaa waxaa horey u qaadacay maamul goboleedyadda qaar.

Dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaya in sharcigaan, oo ay dhinacyada ku heshiiyeen Shirkii Baydhabo 2018-kii, ay xukuumada wax ka bedeshay sidii ay isku raaceen.

Xeerkaan ayaa sidoo kale qayb ka ahaa qodobadii keenay in lagu kala dhaqaaqo Shirkii Garowe, maadaama ay xukuumadu diiday in ay joojiso Sharciga inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo.

Intaasi waxaa wehlisay in Sharciyada Bartoolka iyo Doorashooyinka oo ay maamuladu ku gacan-seyreen in ay horyaalaan Golaha Shacabka, wallow midka doorashada aanan lagu soo darin ajendyaaasha Aqalka.

Hindisa Sharciyeedka Qeybsiga Kheyraadka ayaa wuxuu qeexayaan saamiga ay maamuladu iyo dowladda ku yeelanayaan hadii goboladda laga soo saaro Kheyraad sida Shidaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM