Golaha Shacabka oo ka doodey "mooshinka muddo kororsi ah"

Image
Xildhibaanada ayaa ka digay cawaaqib ka dhalan karta talaabadan kuna baaqay in xooga la saaro xoreynta dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa Sabtida maanta ah waxay ku yeesheen xaruntooda magaala madaxda Muqdisho.

Ajandaha ayaa waxaa ku jiray qodob ku saabsa wax ka badal lagu sameynayo daatuurka kaasoo ay si weyn uga doodeen mudaneyaasha ayna ka dhiibteen aragtiyo kala duwan oo iska soo horjeeda.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble ayaa dooda ku daah-furay: "Mooshinkan maanta naloo keenay waxa uu yeelay afar bilood; waqtigiisu wuu dhacay mana mudna in maanta laga dooda, saxna ma ahan habraaca loo maray. Mooshinkan waxa uu horudhac u yahay waxyaabo la rabo in lagu ijaafeeyo Xildhibaanada oo laga dhigo in ay muddo kororsi raadinayaan".

Cabdulaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo guddoominayey kulanka, ayaa u jawaabay Xildhibaan Cosoble.

"Mooshinkan waqtigiisu ma dhicin, kalfadhigii hore ayay ahayd in la keeno laakiin waxaa ka xirmay kalfadhiga m; sidaas darteeda waxaan rajeynayaa in Xildhibaanada ay ku qancaan. Mooshinka maanta go'aan lagama gaarayo balse waxaa laga dood," ayuu xusay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tibaaxay: "Xilligan la joogo yaan muddo kororsi lagu riyoon; nafta madaxweynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] ayaa halis ku gashay, nafteena ayaa halis ku gashay; nafta shacab Soomaaliyeed ayaa halis ku gashay.

"Fursada ayaan haysanaa oo saddex sano ah aan dalkan ku gaarsiino doorasho qof iyo cod. Mooshinkan waxaa ku jira ajande lagu wiiqayo dagaalka Al—Shabaab," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Warsame ayaa caddeeyay: "Shacabka Soomaaliyeed $30 milyan ayay nagu bixiyaan sanadkii. In aan shacabka xishoono ayaa fiican, way naga xishoodeen, way noo dulqaateen; yaynaan ka daba-geynin".

Buuq kooban ayaa ka dhacay fadhiga Golaha Shacabka ka gadaal markii Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu uu sheegay in Cabdulaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka labaad, uu kulamada aqalka guddoomiyo marka ay jiraan doodaha xasaasigan.

Xildhibaano ka gadoodey hadalkaas ayaa Macalimuu ka codsadey in uu raaligelin bixiyo. Mudanaha ayaa cudurdaarkaas bixiyey waxaana si caadi ah kusoo laabtey jawiga kulanka oo looga doodayo wax ka badalka dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa carabka ku dhuftey "Marka hore mooshinka [muddo kororsiga] luuqada afka Soomaaliga halaga soo saxo; waa ceeb in golihii shacabka Soomaaliyeed la horkeeno qoraal noocaan oo kale ah".

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa dhankiisa waxa uu ka shan-qariyey: "Mooshinkan wax ka badalka dastuurka sharci ma ahan, waa xaaraan mana waafaqsan dastuurka".

"Waxaa muuqata in uu horgal u yahay [muddo kororsi] sharci darro ah. Hal sano ayaan banaanka joogay aniga oo muddo kororsi diidayo. Haddii ay daruur keeneyso waa in loo maraa habraaca saxda ah," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM