Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka heshiiyey doorashada

Image
War-murtiyeed ka kooban 18 qodob ayay kasoo saareen kulan u socdey muddo todobaad ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka asbuuca qaatay ee hogaamiyeyaasha Soomaalida ka yeesheen doorashooyinka ayaa Axada maanta ah lasoo gabagabeeyay iyadda oo laga soo saarey war-murtiyeed.

War-murtiyeedkan ka ooban 18 qodob ayaa diiradda saaraya daahfurnaanta iyo jadwalka doorashooyinka xubnaha kamid noqon doona Aqalka Hoose baarlamaanka 11aad afarta sano ee soo aadan.

Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayaa isku raacdey in xulista mudaneyaasha Golaha Shacabka ay qaadato kaliya 41 casho iyada oo ay xusid mudan tahay in Aqalka Sare lagu soo afjaray 55 maalmood.

Sida ku xusan war-murtiyeedkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, geedi-socodka doorashadda Aqalka Hoose wuxuu bilaaban doonaa 15-ka Janaayo wuxuuna ku eg-yahay 25-ka Febraayo.

Ciidamadda ayay hoosta ka xariiqeen sida ay muhiim u tahay in ay ka madax-banaanadan khilaafyadda siyaasiga ah ayna kaliya hubiyaan nabad-gelyadda iyo xasiloonidda guud ahaan waddanka.

AMISOM ayay ku heshiiyeen in ay xoojiso ammaanka madaxtooyadda iyo si guud doorashadda. Qodobkan wuxuu imaanayaa xilli madaxda laanta fulinta uu dhexdooda khilaaf culus ka dhaxeeyo.

HOOS KA AKHRISO QODOBADDA WAR-MURTIYEEDKA

1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la caddeeyo, la diiwaan–galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada;

3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war–murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;

4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;

6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara–galin karo;

7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;

8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;

9- Waa in doorashada kursi kasta ay goob–joogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar–qaati looga noqdo hufnaanta iyo daah–furnaanta Doorashada kursi kasta;

10- Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab–tamayaa;

11- Si loo ilaaliyo wada–shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;

12- Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaanGuddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;

13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;

14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;

15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16- Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;

17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada

18- Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;


Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa 25-kii December, 2021 waxaa lagu eedeeyay isku-day afgembi kadib markii ciidanka u adeegsadey in uu Rooble ka hor-istaago in uu xafiiskiisa tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heshay Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa si weyn looga soo horjeestay Itoobiya.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:44AM