Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu baaqay in uu shir deg-deg yeesho

Image

KISMAAYO, Jubaland – Jubaland diyaar uma ahan in ay soo magacowdo xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka 2020-21 inta heshiis laga gaarayo qadiyadaha la isku hayo, sidda uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland ayaa qodobada la isku hayo ku qeexay ciidamadda jooga gobolka Gedo iyo guddiyada maamulaya xulista wakiilada maamulka Somaliland ee baarlamaanka federaalka ah.

Mr Aadan oo dowladda ku eedeeyay in ay ka baxdey heshiiska doorashada ayaa intaas ku daray in ay doonayaan in gobolada Jubbooyinka lagu soo celiyo kuraasta qaar ee loo xawilay gobolkada dowlada xooga ku haysato ee Gedo.

"Sababtu waxa weye horeyna waan u caddeynay dhowr arrimood baa jira oo loo baahan yahay in xal laga gaaro inta aan guddiga gudbinin oo ay kamid tahay arrinta gobolka Gedo oo si sharci darro ah ciidamo ay u afduubeen oo maamulkii dowlad goboleedka Jubaland albaabada loo laalay taas oo qeyb ka ah in doorashadda lagu qabto qeyb kamid ah Xildhibaanadda; Xildhibaanada naftooda Garbahaarey loo qorsheeyay qeyb kamid ah waxaanu rabnaa in ay ku noqdaan Jubbooyinka oo dadkii Jubbooyinka deganaa oo metelaadaa ay xaqa u lahaayeen si qaldan loo wada geeyay Garbahaarey," ayuu u sheegay BBC-da.

Aadan ayaa tibaaxay: "Marka qodobadaas iyo qodobo kale oo heer Qaran ah dadkii daneeyeyaasha oo dhan ay ka qalinayaan oo ay ku jiraan gudoomiyaha Aqalka Sare iyo guddiyadii Somaliland loo qaban lahaa aan lagu heshiisin. Waxaas oo dhan ayaan rabnaa in xal laga gaaro inta aan gudbinin".

Madaxweyne Farmaajo auu cod dheer ugu baaqay in uu shir deg-deg isugu yeero Golaha Wadatashiga Qaranka si xal looga gaaro dhamaan arrimahaan.

"Xalka waxa weyaan mas'uuliyadda madaxweynaha Soomaaliya ayay saaran tahay in uu ka war-wareego ma ahan. Madaxweynaha Soomaaliya golihii wadatashiga Qaranka shir deg-deg ah ha isugu yeero qodobada taag-taagan – ama annaga aan ka cabaneyno ama dadka kale ee wax wada leh ay ka cabanayaan ama siyaasiyiinta ay ka cabanayaan – qodob-qodob inta loo dul-istaago hala xaliyo oo dalkanu si nabad-gelyo ah haku dhacdo doorashadda iyo xilliga kala guurka. Mas'uuliyaddaas madaxweynaha ayay saaran tahay, haduu mas'uuliyaddaas garan waayo cawaaqibka ka dhasha isaga ayay raaceysaa oo lagula xisaabtamayaa," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa Aadan.

Jubaland iyo dowladda Farmaajo ayaa wadashaqeyn buuran aysan ka dhaxeyn sanadihii lasoo dhaafay waxaana ugu wacan Villa Soomaaliya oo har iyo habeen ku hanqal-taageysay in ay xukunka qasab kaga tuurto Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM