Golaha Wadatashiga Qaranka oo soo saaraya habraac cusub

Image
Talaabadan ayaa la sheegay in ay daaran tahay xalinta qodobbada muranka uu ka dhashay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayaa waxaa lagu waramay in ay soo saarayaan habraaca cusub lana xiriira doorashooyinka heer federaal si gaar ah xulista Golaha Shacabka.

Talaabadan ku timid si wada-ogolka ah ayaa, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, waxay daaran tahay xalinta qodobbada muranka uu ka dhashay.

Musharixiinta madaxtinimada iyo qeyb ka mid ah beesha caalamka ayaa doonayay in dhinacyo ka mid ah heshiiska wax laga beddelo "si loo helo hanaan cadaalad ah".

Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa laba todobaad kahor waxay qaadaceen habraacii ka soo baxay hogaanka Golaha Wadatashiga Qaran oo laba casho ku shiray Muqdisho.

Sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen, habraaca wuxuu "khilaafsan yahay dastuurka iyo heshiiska 27-dii Maajo oo dhigayey oo doorashooyinku u dhacaan si cadaalad ah xor iyo xalaal ah".

Dhaqankii "boobka doorashada" ay sheegeen in ay ka diideen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayay xuseen in aysan ka ogolaan doonin golaha wadatashiga qaranka ee habraaca faafiyey.

Todoba qodob ayay soo jeediyeen oo ay kamid tahay in beelaha loo daayo xulista mudaneyaasha, baabi'inta caqabadaha lagu hor-gobay doorashooyinka sida dambi-baarista iyo muddeynta waqtiga coddeynta.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay wuxuu si toos ah uga hadlay habraaca muranka dhaliyey ee doorashooyinka Aqalka Hoose.

Rooble oo maanta la kulmay guddiyada doorashooyinka heer federaal ee waddanka ayaa hoosta ka xariiqay in habraaca uu yahay mid beelaha loogu daadejinayo in ay soo xushaan kuraasta metelaysa.

Ugu dambeyntii, Rooble ayaa si cad u sheegay in xafiiskiisa uu si gaar ah isha ugu haayo dhamaan hoteelada ay degan yihiin xubnaha guddiyadda doorashooyinka isaga oo uga digay in ay dhinac u jaranjeeraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM