Golaha Wasiirada Jabuuti oo taageeray midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Image
Goluhu wuxuu caddeeyay mabda'iisa adag ee uu ku taageerayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jabuuti (GO) - Golaha Wasiirada Jabuuti ayaa kalfadhigoodii ugu horeeyay yeeshay sanadkii 2024. Shirka oo ay ka qeyb-galeen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyay faylalka ka jira Gobolka, oo ay ugu muhiimsan tahay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Goluhu wuxuu caddeeyay mabda'iisa adag ee uu ku taageerayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay inay ka go'an tahay in la sii adkeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Golaha Wasiirada ee Jabuuti ayaa sidoo kale soo jeediyay talooyin ku saabsan in la qaato wadahadalka si looga hortago in uu sii fido khilaafka ka dhax aloosan gobolka oo markii horeba jilicsanaa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyas Dawaleh.

Dowladda Jabuuti ayaa hore usoo saartay war saxaafadeed ay walaac ugu muujinaysay khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Itoobiya.

Jabuuti ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dal in ay wada-hadalaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii colaadda loo dejin lahaa.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM