Golaha Wasiirada Japan oo ansixiyey go'aan khuseeya badda Soomaaliya

Image

TOKYO, Japan – Dowladda Japan ayaa Talaadada maanta ah waxay shaacisay in ay go'aansatay muddo kordhin hal sano ah ay u sameyso Ciidamadeeda Biyaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka burcad-badeeda.

Kishi Nobuo, wasiirka difaaca Japan oo war-fidiyeenka ugu waramay magaalada caasimadda ah ee Tokyo, ayaa tibaaxay in go'aankaas lagu meelmariyey shir ay isla maanta yeesheen Xubnaha Golaha Wasiiradda.

"Dowladda sidoo kale waxay go'aansatay in ay kordhiso tirada ciidamadda ku lugta howlgalka si looga feejignaayo suurtagalnimada saameyn uu sababo safmareenka Coronavirus," ayuu hadalkiisa ku daray.

Si dhab ah looma ogga tirada saxda ah ee askarta Japan ku leedahay howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida. Hasayeeshee, mas'uuliyiinta waxay uga gaabsadaan in ay soo bandhigaan in ay tahay sir ciidan.

Nobuo oo aan soo hadal-qaadin suurtagalnimada isbedel ku yimaada hogaanka ciidamadda ayaan kala caddeyn tirada lagu kordhinayo askarta.

Japan ayaa tan iyo 2009-kii kamid ah dowladaha shisheeye biyaha Soomaaliya u jooga la dirirka shufta-badeeda uu hoos u dhacay weerarkooda; Khamiista asbuuca dambe ayuuna waqtigooda dhamaanayaan.

Maraakiib dagaal iyo diyaarado sameeya roondo joogto ah ayaa Japan ka jooga badda Soomaaliya oo ay ku wehliyaan dowladdo kale.

Inkasta oo ay sheegtaan in ay biyaha Soomaaliya ka ilaalinayaa burcad-badeeda, haddana ciidamada shisheeye ayaa dhankooda waxaa lagu eedeeyaa in ay shirkadaha ka iibsadaan kaluunka oo ay xaalufin ku wadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM