Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM