Golaha Wasiirada oo ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi

Image
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;

1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada lagu sifeynayo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM