Golaha Wasiirada oo meel mariyay miisaaniyad ka badan 1 Bilyan oo Dollar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Xafiisaka Ra’iisul wasaaraha.

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM