Golaha Wasiirada oo mushaarkoodii bishan ugu deeqay Ciidamada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hogaaminayay shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana goluhu ay soo saareen go’aano dhowr ah.

Golaha ayaa mushaaraadka Wasiirada ugu deeqay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, waxaana sidoo kale la ansixiyay Hindse-sharciyeed ay soo gudbiyeen wasaaradaha.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa galay marxalad adag tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Cowsweyne oo ay ku dhinteen tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inkastoo maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar garow ugu jiro wajigii labaad, ayaa haddana ciidamada qalabka sida ayaa ilaa haatan ku guuleysan xorreynta deegaanada dhaca bariga Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM