Golaha Wasiiradda oo meelmariyey heshiis khuseeya hay'adda WFDP

Image
Kulankan waxaa guddoomiyey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa asbuucaan guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,

Kulanka ayaa looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM