Gollaha Amaanka oo war kasoo saarey weerarkii Muqdisho

Image

NEW YORK - Dowladaha Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa maanta oo Isniin ah war qoraal ah kasoo saarey weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay sabtidii Isgoyska Ex-control ee magaaladda Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee UN-ka, António Guterres ayaa ku qeexay qaraxa "mid aad looga argagaxo", isagoo ku baaqay in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay, kuwii maal-geliyay iyo kuwii soo abaabulay.

Gollaha Amaanka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarka, waxaana bogsasho deg-deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay oo qaarkood kuwa xaaladoodu liidato loo qaadey dalalka Turkiga iyo Qatar.

"Xoghayaha Guud wuxuu mar kale ku celcelinayo sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay in ay taageerto dadka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalkooda ku aadan nabada iyo horumarka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Gollaha Amaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay si wadajir ah ula dagaalamaan kooxaha argagaxisada, ee doonaya inay dalka kahor istaagaan horumarada uu sameynayo.

Qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-control waxa uu noqday midkii 3aad oo ugu khasaaro badan oo ka dhaca Muqdisho, marka laga yimaado weeraradii Hargaha iyo Saamaha 2011 iyo midkii 14-kii October, kuwaasoo boqolaal lagu dilay.

Al-Shabaab waxay sheegatay oo kaliya weerarkii Hargaha iyo Saamaha, balse ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda labada qaraxa ee kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM