Gollaha Iskaashiga oo heshiisiinaya Madaxa Galmudug [Xog Cusub]

Image

DHUUSAMAREEB - Iyadoo khilaafka u dhaxeeya madaxda maamul Galmudug uu sii xumaanayo, ayaa waxay Gollaha Iskaashiga maamulada dalka isku deyayaan inay dhex-dhexaadiyaan dhinacyada is-maandhaafsan, sida Warsidaha Garowe Online ogaadey.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa GO u xaqiijiyey in hogaanka Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ay xiriiro la sameeyeen dhinacyadda isku haya Galmudug, islamarkaana ay u sheegeen inay doonayaan inay soo kala dhex-galaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxda Galmudug lagu kulan siin doono Kismaayo ama Garoowe maalmaha soo socda, iyadoo qorshuhu yahay in qaab wadahadal ah lagu xaliyo khilaafkooda.

Xogta aan helayno ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xaaf uu soo dhaweeyay arrintan, laakiin Garabka Cadaado ku sugan oo ee uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi uu ka cago jiidayo wadahadalka.

Carabeey ayaa wuxuu shaki ka qabaan dhax-dhaxaadnimada madaxda maamul goboleedyadda, maadaama ay xulufo dhow la yihiin Xaaf, oo ay ku mideysan yihiin Gollaha Iskaashiga Maamulada.

Hadii madaxda maamulada ay xaliyaan Khilaafka Galmudug waxay dhar-baaxo kulul ku noqon doontaa Dowlada Federaalka Soomaaliya, oo ic-laamisay dhawaan shir ay ku dhex-dhexaadinayso Xaaf iyo dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo lagu wadey inuu maanta ka furmo Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM