Gollaha Shacabka oo ku gacan-sayray codsiga Xeerilaaliyaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga joogtada ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maant asi rasmi ah ugu gacan-sayray soo jeedinta Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Qoraal uu soo saarey Gudiga ayaa looga hor-yimid soo jeedinta Axmed Cali Daahir ee ahaa in xasaanadda laga qaado Labada Xildhibaan ee kala ah Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Xasan Maclin, kadib markii uu kusoo oogay qiyaanno qaran.

Qaraarka Gudiga joogtada ee ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaanada ayaa lagu sheegay in Xeer Ilaaliyaha dalabkiisa uu yahay mid aan sharci ahayn, islamarkaana aan la aqbali karin maadaama eedaha lasoo jeediyay aan loo haynin cadeymo buuxa.

Axmed Cali Daahir ayaa labada Xildhibaano ku eedeeyay inay sameeyeen qiyaanno-qaran, isagoo sidoo kale sheegay inay wadeen abaabulka mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa iska fogeeyay eedeynta. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM