Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Wakiiladda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kalfadhigii 7-aad kulankooda 2-aad ku yeesheen Magaalada Baydhaba ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiiradda cusub ee Dowladda KGS ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kalfadhiga ayaa waxaa goobjoog ahaa 124 mudane, waxaana ka maqnaa 25 mudane. 123 Xildhibaan ayaa ogolaatay Gollaha Wasiirada cusub ee KGS, waxaana diiday hal Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa sheegay in la ansixiyay Gollaha Wasiirada Cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Gollaha Waliilada maamulkiisa kalsoonida ay siiyeen Xukuumaddiisa cusub.

Lafta Gareen, oo la doortay bishii December ee 2018, kadib doorasho dhiig ku daatey oo la sheegay inay faragelin ku sameysay Villa Somalia ayaa ku dhawaaqay Xukuumaddiisa Feb 2, 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM