Goodax Barre oo dabciyey mowqifkiisa shahaado siinta Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sii-haayaha wasiirka waxbarashada federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa bedelay aragtiisa ku aadan shahaado siinta dowlada Puntland taasoo mowqif mayal-adag uu horey uga qaatay.

Isagoo ka qeybgalayey barnaamijka Dooda ee telefishinka Universal, Goodax Barre ayaa kasoo daadegay go'aankiisii ahaa in Puntland aysan heli doonin shahaada federalka hadii aysan gelin Imtixaanka qaranka.

Xilli uu si aan xaqiiqo loo hayn u wariyey in arday reer Puntland ah ay sanadkan galeen imtixaankiisa, wuxuu tibaaxay in ay shahaado gaar ah oo ka duwan tan ay ugu talagalaan maamulada kale ay siinayaan Puntland "hadii ay rabaan".

"Puntland waxaad moodaa wadanka qaanada uu ku jiro in ay ku jiraan, marka la isku celceliyo 60 illaa 70 ayay ku baaseen, hal gabar oo reer Goldogob ah iskuul ku yaala Goldogob ayaan tobbanka soo gashay; marka hadda wasaarada cabir fiican ayay ka haysataa ardayga Puntland jooga heerka uu joogo, maxaa yeelay lamber illaa 600 ku dhow ayaa Imtixanaka galay, intaas shahaado waa helayaan, hadda shahaado qaabka ay ku qaadanayaan cid ii sheegtaa la rabaa," ayuu yiri.

Markii la waydiiyey in hadalkaas la macno yahay in aysan tirada kale heli doonin shahaado ayuu ku jawaabay "ma jirto, ciddii aan imtixaankaas gelin, imtixaankaas basin, cid kasta oo aan soo marin imtixaankaas Soomaali oo dhan soo martay in shahaado lamida, hadii Puntland ay yiraahdaan shahaado federaalaa rabnaa oo annaga aan dadkeeda sheegnay waa la siinayaa, laakiin mid ka duwan taasaa la siinayaa oo calaamad gaara leh iyo in ay ka duwan tahay [ka muuqato]".

Ka qeyb-galeyaasha kulanka ayaa Goodax Barre waxay ku cadaadiyeen in uu sharaxaad dheeriya uu ka bixiyo shahaadada gaarka ah ee uu ka dhawaajiyey in la siinayo Puntland, wuxuuna ku war-celiyey "shahaadada hadda la bixiyo nooceeda tahay waa taqaanaan, shahaadadaan haddey cagaar tahay mid gaduudanaa la siinayaa oo la leeyahay shahaadadan Puntland ayaa darajooyinkaan sameysay oo iska leh, waa haddey rabaan wax federaal ka yimid, laakiin haddey rabaan shahaadaas ardeygaas shaqeeyay waa in ay Imtixaanka galaan".

Dowladda Puntland ayaa u diidey ka qeybgalka Imtixaanka in dastuurka u ogolaanayo in ay maamulada si gaar ah u maamushaan.

Natiijada Imtixaanka ay maamuleysay Waaarada Goodax Bare ka qaadey ku dhowaad 34-kun waxaa laga bixiyey falcelinayo kala duwan markii ay dhaceen in ka badan 8-kun arday oo badankooda ku sugan gobolka Banaadir.

Puntland oo xoojisay shakiga laga muujinayo natiijadan ayaa sheegtay "in ay u maleyneyso in ay sax wada ahayn max-suulka," ayna tani caddeyn buuxda u noqon karto in dowlada dhexe aysan awood u lahayn maamulka Imtixaanka.

Dabacsanaanta Goodax Barre oo horey arrimo siyaasadeed mowqifkaas adag ku gaarey ayaa kusoo hagaageysa xilli uu dhamaad ka yahay muddo xileedka isla markaana xukuumadda uu ka tirsan ay lumisay kalsoonida xeer-dejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM