Goorta la go'aaminayo in ay Kenya ka baxeyso kiiska badda oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda Sarre ee Kenya ayaa u muddeysay 7-da October in ay go’aan ka gaareyso hadii dowladda ay ka hor istaagayaan in ay ka qeybgasho dacwadda badda, sidda uu baahiyey Business Daily.

Kiiskan oo taagan tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa waxaa gudbisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay dacwadda kala dhaxeyso Kenya.

Go’aanka xeer-beegtada ugu sareysa Kenya ayaa yimid ka gedaal markii qareeno ay soo jeediyeen in xukuumada laga hor istaago in ay ka qeybgasho gal-dacwadeedkan heerka gabagabada ah maraya.

Labadan dal ee deriska ah ayaa isku haya goob ku taala xuduud oo badeedkooda yahay 100 KM isku wareeg ah hodanna ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah sida Shidaalka iyo Gaaska naqaska ah.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo uu kiiskan haatan horyaalo ayaa dhowaan dib u dhigtay dhageysiga kiiskan oo loo madalsanaa 9-ka bisha September una bedeshay 4-ta November ee sanadkan 2019-ka.

Dib u dhigista ayaa ka dambeysay markii codsi uu ka yimid xukuumadda Nairobi oo ku aadan in ay baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay ku qorato qareeno cusub oo difaaca doodeeda.

Dacwadan ayaa qodxo u yeelay cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labadda dal, kaasi oo haatan gaarey meeshii ugu adkaa, iyadda aysan jirin wax isu soo dhowaanshiyo ah oo haatan muuqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM