Goorta uu soo baxayo go’aanka deyn cafinta Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Lacagta Aduunka ayaa waxay taageertay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, kaasoo xukuumadda ay xusul-duub ugu jirto.

Kristalina Georgieva, agaasimaha guud ee IMF, ayaa daboolka ka qaadey in dowladda ay hanaan wanaagsan ku wado shuruudihii ay hordhigtay.

Dalka dhaca Geeska Afrika ayaa lagu leeyahay aduun lacageed gaaraya 4.3 bilyan oo Doollar-ka Mareykanka, taasoo badankeeda ku timid dul-saar.

Taageerada Georgieva ayaa ka dambeysay markii ay Washington kula kulantay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubno kamid ah xukuumadiisa.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka ah, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa muddeeyay goorta uu soo baxayo go’aanka deyn cafinta.

Bisha Febraayo ee sanadka dambe 2020-ka ayuu ku qeexay, wallow ay jiraan caqabado, sidda uu ka sheegay shir uu ka qeybgalay.

"Waxaan rajeynayaa in go’aanka uu soo baxo Febraayo sanadka dambe," ayuu yiri. "Caqabado ayaa jira, balse rajadda ayaa ka badan qabli xumaanta".

Deyn cafinta ayaa muhiim u ah horumarka dalka, waxaana la aaminsan yahay in hadii laga dhaafo ay wadada u furi doonto maalgeshi iyo qaadashada mid cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM