Goorta uu soo baxayo go’aanka deyn cafinta Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Lacagta Aduunka ayaa waxay taageertay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, kaasoo xukuumadda ay xusul-duub ugu jirto.

Kristalina Georgieva, agaasimaha guud ee IMF, ayaa daboolka ka qaadey in dowladda ay hanaan wanaagsan ku wado shuruudihii ay hordhigtay.

Dalka dhaca Geeska Afrika ayaa lagu leeyahay aduun lacageed gaaraya 4.3 bilyan oo Doollar-ka Mareykanka, taasoo badankeeda ku timid dul-saar.

Taageerada Georgieva ayaa ka dambeysay markii ay Washington kula kulantay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubno kamid ah xukuumadiisa.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka ah, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa muddeeyay goorta uu soo baxayo go’aanka deyn cafinta.

Bisha Febraayo ee sanadka dambe 2020-ka ayuu ku qeexay, wallow ay jiraan caqabado, sidda uu ka sheegay shir uu ka qeybgalay.

"Waxaan rajeynayaa in go’aanka uu soo baxo Febraayo sanadka dambe," ayuu yiri. "Caqabado ayaa jira, balse rajadda ayaa ka badan qabli xumaanta".

Deyn cafinta ayaa muhiim u ah horumarka dalka, waxaana la aaminsan yahay in hadii laga dhaafo ay wadada u furi doonto maalgeshi iyo qaadashada mid cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM