Guddi loo saarey xiritaanka Masaajida Muqdisho ee laga hor-yimid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka CoronaVirus / COVID19.

Culimada iyo wasiirka oo si qota dheer uga dooday hannaanka wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna ayaa isla gartay in Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.

Sidoo kale waxay laba dhican hoosta ka xariiqeen in in la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kulanka intii uu socday ayaa sidoo kale waxaa la isku raacay in la dhigso guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada si ay u qiimeeyaan go’aanna uga gaaraan sida laga yeelayo arrinta masaajidda kadib marka ay sameeyaan cilmi baaris diini iyo mid caafimaad.

Ugu dambeyn, culimada iyo wasiirka ayaa waxay mar kale la fareen ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.

Kiisaska caabuqa safmareenka ah ee illaa iyo haatan la xaqiijiyey ayaa gaaraya 21, oo laba kamid ah ay yihiin ajaaniib la shaqeysa xafiiska Qaramada Midoobay.

Kulanka dhex maray wasiirka diinta iyo Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha, dhaqaatiir Iyo saraakiil ka socay hay’adaha Amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM