Guddiga baarista "inqlaabkii fashilmay" oo qaadey talaabooyin

Image
Guddigan ayaa haysta muddo todobaad ah in ay kusoo afmeeraan baaritaanka kiiskaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii baaritaanka dhacdadii 27 December ee isku daygii Afgambiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dardargeliyey shaqadooda, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Inta illaa haatan la og-yahay, guddigan ayaa yeeshay saddex kulan kahor inta aysan bilaabin su'aallo waydiinta saraakiisha ilaaladda madaxtooyadda ee sida dhow ula satay dhaqdhaqaaqaas.

Sida ay muujineyso warbixinta, saraakiisha la wareystay waxaa kamid ah kuwii heeganka ku jiray subixii isku dayga uu dhacayay ee Ciidamada lagu dul dhigay Xafiiska Iyo Guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in guddiga ay maanta su'aallo waydiiyeen Taliyaha Ilaalada Villa Soomaaliya Korneyl Xasan Dhicis iyo saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77aad ee Ilaalada Madaxtooyada.

"Su'aallo waydiinta Korneyl Dhicis oo kamid ahayd kuwa ugu muhiimsan ee xudunta u noqon doona natiijadda warbixinta wuxuu ku qabsoomay xarunta wasaaradda warfaafinta," ayaa yir qof si dhow ula socday shirka.

Guddigan ayaa haysta muddo todobaad ah in ay kusoo afmeeraan baaritaanka kiiskaas kuna soo gudbiyaan maxsuulkooda oo la filayo in uu ku cadaado qaabkii uu isku dayga u dhacay iyo ciddii amarka bixisay.

Inkasta oo dhacdadaas ay si ballaaran isaga fogeysay, haddana Villa Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin baaritaanka xafiiska wasiirka koowaad uu amray wallow la sheegayo in ay gaashaan diyaarsaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM