Guddiga baarista "inqlaabkii fashilmay" oo qaadey talaabooyin

Image
Guddigan ayaa haysta muddo todobaad ah in ay kusoo afmeeraan baaritaanka kiiskaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddigii baaritaanka dhacdadii 27 December ee isku daygii Afgambiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dardargeliyey shaqadooda, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Inta illaa haatan la og-yahay, guddigan ayaa yeeshay saddex kulan kahor inta aysan bilaabin su'aallo waydiinta saraakiisha ilaaladda madaxtooyadda ee sida dhow ula satay dhaqdhaqaaqaas.

Sida ay muujineyso warbixinta, saraakiisha la wareystay waxaa kamid ah kuwii heeganka ku jiray subixii isku dayga uu dhacayay ee Ciidamada lagu dul dhigay Xafiiska Iyo Guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in guddiga ay maanta su'aallo waydiiyeen Taliyaha Ilaalada Villa Soomaaliya Korneyl Xasan Dhicis iyo saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77aad ee Ilaalada Madaxtooyada.

"Su'aallo waydiinta Korneyl Dhicis oo kamid ahayd kuwa ugu muhiimsan ee xudunta u noqon doona natiijadda warbixinta wuxuu ku qabsoomay xarunta wasaaradda warfaafinta," ayaa yir qof si dhow ula socday shirka.

Guddigan ayaa haysta muddo todobaad ah in ay kusoo afmeeraan baaritaanka kiiskaas kuna soo gudbiyaan maxsuulkooda oo la filayo in uu ku cadaado qaabkii uu isku dayga u dhacay iyo ciddii amarka bixisay.

Inkasta oo dhacdadaas ay si ballaaran isaga fogeysay, haddana Villa Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin baaritaanka xafiiska wasiirka koowaad uu amray wallow la sheegayo in ay gaashaan diyaarsaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM