Guddiyadda doorashooyinka oo "lagu daray" xubno ka tirsan hay'adda NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya iyo Hay'adda Nabad-sugida ayaa gacan-maroojistay xulista guddiyadda doorashooyinka heer gobol iyo heer federaal ee Galmudug iyo HirShabelle, sidda uu sheegay murashax madaxweyne.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaaadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa wuxuu muujiyey in uu si adag uga soo horjeedo talaabooyinkaas.

Warsame ayaa carabka ku dhuftay in Taliyaha hay'adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir, iyo agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, ay horboodayaan "faragelintaas qaawan".

"Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay HirShabelle iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda," ayuu ku yiri qoraalkiisa oo ay ka falceliyeen boqolaal dadweyne ah.

Isagoo fahfaahinaya ayuu ku daray: "Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha".

"Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah," ayuu kusoo gabagabeeyay, wallow uusan carabaabin talaabooyinka ay qaadi doonan.

Warar ayaa sheegaya in sababta xubnaha sirdoon loogu daray guddiyadan ay la xiriirto "in ay uruuriyaan xogaha lana wadaagaan madaxda ka sareysa iyo in ay cabsi geliyaan ergada soo xuleysa Xildhibaanadda baarlamaanka".

Dhanka kale, aqalka looga arimiyo waddanka iyo NISA ayaan wali ka jawaabin eedeyntaan. Isku dayo wax looga waydiin lahaa ma guuleysan.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid sameyneysa wax walba oo taagteeda ah si ay u meelmariso qorshaha soo laabashada Farmaajo doorashada Febraayo, 2021; balse, lagama hor-dhici karo hadii uu miradhalayo.

Sikastaba ha ahaatee, marka loo eego xaqiiqooyinka durba soo if-baxaya inta loo diyaar-garoobayo coddeynta, Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku talogaleysa in doorashada soo aadan aysan noqon mid ku dhacda qaab xor ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM