Gudiga Doorashada Galmudug oo la shaaciyey xili laga digay ku shubasho

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa Isniinta maanta ah magacaabay Guddiga Doorashooyinka xili uu khilaaf jiro.

Magacaabida xubnaha guddiga oo ka kooban 11 ayaa timid markii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, uu tegay magaaladda Dhuusamareeb lana kulmay Shaakir.

Ahlu Sunna ayaa horey waxay uga soo horjeesatay Guddiga Farsamada maamul dhisida dowlad goboleedkan, kaasoo ay dhowaan soo saartay xukuumadda federaalka ah.

Murashaxiinta illaa iyo haatan la og-yahay ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Odowaa iyo Guutaale ayaa ka hor-yimid qaabka ay dowladdu u wado dhismaha Galmudug middeysan xili xisbiyadooda Midowga Nabadda & Horumarka iyo Wadajir ay ka digeen "ku shubasho".

Siyaasiyiinta iyo xisbiyadooda ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka fal-celin Guddiga cusub ee xafiiska Sheekh Shaakir uu magacaabay.

Qoor-qoor, Wasiiru dowlaha Wasaaradda howlaha Guud iyo Guryeynta xukuumadda Khayre, ayaa la rumeysan yahay in uu yahay murashaxa ay gedaal ka riixeyso Villa Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu socdaal kale ugu ambabixi doono Dhuusamareeb si uu dhameystiro qorshaha Laanta Fulinta ee maamul goboleedkaas.

QORAALKA MAGACAABIDA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM