Guddiga doorashadda baarlamaanka HirShabelle oo la magacaabay

Image
Image
Image

JOWHAR, Baydhabo - Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle oo Sabtida maanta ah lagu dhaariyey xaruntooda magaaladda Jowhar ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u xushay afhayeen ku meelgaar ah.

Mudanahaan oo la tilmaamay in uu yahay xubinta ugu da'da weyn waxaa uu xilka sii hayn doonaa inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah.

Dhanka kale, sii-haayaa gudoomiyaha Golaha oo qoraalkii ugu horeeyay soo saarey ayaa wuxuu magacaabay Guddiga Doorashada Golaha Wakiiiladda.

Xildhibaanada cusub oo cod u qaadey magacaabida guddiga ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xubnahaan ay tiradoodu gaareyso sagaal.

Guddiga ayaa lagu waddaa in ay muddeeyaan doorashooyinka guddoonka iyo madaxweynaha oo si weyn isha ugu hayaan daneeyeyaasha.

Villa Soomaaliya ayaa quudareyneysa in ay saameyn ku yeelato doorashadda ayna soo xulato mas'uuliyiinta u adeegaya danaheeda gaarka ah.

Sharci-dejiyeyaasha cusub oo hanaanka ay kusoo baxeen dood xoogan ay ka taagan tahay ayaa isugu jira xubno sirdoon, shaqaale dowladeed iyo wariyeyaal caan ka ahaa warbaahinta magaala madaxda dalka Muqdisho.

Magacyadda xubnaha guddiga doorashada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM