Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo yeeshay guddoon

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka oo Isniin ah ka qabsoontay SKY HOTEL oo deegaan ku meel gaar u ah Guddiga.

Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxa isku soo sharaxay jagada waxay kala ahaayeen;

1. Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed
2. Maxamed Cabdullaahi Isaaq

Xubnaha soo xaadiray waxay ahaayeen 11 xubnood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Natiijada Doorashada oo ahayd mid si weyn loogu loolamay ayaa waxaa lagu waramay in ay noqotay;

- Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Cabdullaahi isaaq uu helay 1 cod.

Tani waxay ka dhigan tahay in Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed uu noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay, kadib markii uu shalay Soo dhamaaday tababarkii usocday Guddiyada Doorashooyinka Dalka waxa uu Guddigu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga oo ka qabsoomay Afisiyoone.

Maxamed Xasan Maxamed Cirro ayaa wareegii labaad loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee 2020-2021

Halka doorashadii Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal, waxaa ku guulaystay Qareen Mawliid Mataan Salaad. Xubnahan waxay kamid ahaayeen kuwa muranka la geliyey dhexdhexaadnimadooda lana xiriiriyey Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM