Guddiga doorashadda Galmudug oo gudoon yeeshay xili uu khilaaf jiro

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Guddiga doorashadda madaxtooyadda Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah yeeshay gudoon cusub oo ka kooban gudoomiye, ku xigeen iyo mas'uuliyiin kale.

Doorashadda ayaa imaaneysa iyaddoo ay jiraan warar sheegaya in uu jiro khilaaf culus oo u dhaxeeya Dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo dhanka hogaanka guddiga ah.

Illo wareedyo ayaa qeexaya in Ahlu Sunna ay dalbatay in iyaddu hesho xubinta gudoomiyaha guddiga. Codsigaas waxaa lagu waramayaa in ay ganafka ku dhufatay xukuumadda.

Xildhibaanka loo coddeeyay in uu noqdo gudoomiyaha cusub ee guddiga ayaa la fahansan yahay in uu u jaran-jeero Villa Soomaaliya, oo lagu eedeeyay faragelinta doorashada.

Mudaneyaasha Ahlu Sunna ugu jira Golaha Wakiilada Galmudug oo wadar ahaan gaaraya 20 ayaa la sheegay in ay ka maqnaayeen fadhigii lagu doortay gudoomiyaha guddiga.

Xildhibaanada oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa doorashada hogaanka guddiga ku sifeeyay "afduub ay dowladda ku sameysay nidaamka iyo geedi u socodka doorashadda".

Arrimahaan soo kordhay ayaa murjin kara doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamul goboleedka oo qorshuhu ahaa in ay dhacaan maalmaha soo aadan si gaar ah asbuuca dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM