Guddiga doorashooyinka oo ka hadlay xafiisyada ay ka xirtay Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay xafiisyadooda ay dhowaan albaabada u laabtay Dowlada Puntland.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii Puntland ay xirtay xafiisyadda. Talaabadaas waxay timid iyaddoo maamulka uu kasoo horjeestay sharciyo lagu ansixiyey qaab "sharci darro ah".

Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey], gudoomiyaha guddiga, ayaa qadiyaddan uga warantay wargeyska kasoo baxa Ingiriiska ee lagu magacaabo The Guardian.

Puntland oo dalbatay in wadahadalo laga galo xeerarka gudbay ayaa diidmadeeda u cuskatay in aan laga talagelin sharciyadaas iyo hanaanka loo marayo coddeynta sanadka dambe.

"Maamulka Puntland wuxuu xiray xafiisyadeena, balse ma uusan qaadicin doorashooyinka guud ee Soomaaliya," ayay tiri, iyadoo taageertay dooda Puntland oo ah wadahadal.

Waxay ku dartay: "[Mas'uuliyiinta Puntland] waxay ku baaqeen wadahadalo loo dhan yahay, waxaana rajo ka qabnaa in ay wax fiican ay kasoo bixi doonan wadaxaajoodyada la filayo".

Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay shirwayne looga tashan doono aayaha Puntland iyo doorka ay ku yeelan doonto dowladnimada iyo mustaqbalka siyaasada Soomaaliya.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, waxaase la gelinayaa shaki iyadoo lagu doodayo amniga iyo Al-Shabaab oo wali haysata degaano badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM