Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo aqoonsi siiyey xisbiyo cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shahaadooyin gudoonsiiyey xisbiyo cusub.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga oo nuqul kamid ah uu arkay GO, xisbiyadda oo tiradoodu tahay todoba ayaa si ku meel gaar ah loo diiwaan-geliyey.

Munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xisbiyada is-diiwaan-geliyey ayaa kala ah

1- Xisbiga Isbahaysiga Caddaaladda & Sinaanta
2.-Xisbiga Samata-bixinta Ummadda Soomaaliyeed
3- Xisbiga Caddaaladda & Dib-udhiska Soomaaliyeed
4- Xisbiga Wadatashi Qaran
5-Xisbiga Horseed
6- Xisbiga Midnimadda Maandeeq
7- Xisbiga Horumarinta Amniga & Dimuquraadiyada

Diiwaan-gelinta xisbyaddan ayaa kordhineysa tiradda guud ee xisbiyadda haatan diiwaan-gishan oo la sheegay in ay ka badan 50.

Xaliimo Yarey, gudoomiyaha guddigan, ayaa dhowaan shaacisay in sharciga doorashooyinka ee baarlamaanka horyaala uu xadidayo tiradda xisbiyadda.

Sharcigan oo muran dhaliyey ayaa loo gudbiyey Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka markii Golaha Shacabka uu cod wadar ogol ah kusoo meelmariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM