Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo laga codsaday in ay is-casilaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi ayaa ugu baaqay Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya in ay xafiiska baneeyaan markii ay sheegeen in doorashada soo aadan aysan waqtigeeda ku dhici karin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in talaabadan ay tahay "wadda kaliya ee furan".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa ka dhawaajiyey in horey loo ogaa in guddiga oo hadal noocaas ah kasoo yeeri doono.

"Hadda ka hor ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay. Wuxuu ku jawaabay maya, sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod isla markaana November lasoo doorto baarlamaan, kadib bisha Febraayo doorta madaxweynaha afarta sano ee soo aadan.

Diyaar-garow la'aan, amniga oo aan sugneyn, Al-Shabaab oo qaybo kamid ah dalka maamusho iyo caqabado ayaa hortaagan coddeynta.

Guddiga madaxa-banaan ayaa Sabtida maanta ah u soo bandhigay Golaha Shacabka laba nooc doorasho oo mid ay tahay diiwaan-gelinta casriga oo dhaceysa Agugust, 2021 iyo diiwaan gacanta oo bisha Maaj qabsoomeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM