Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo laga codsaday in ay is-casilaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi ayaa ugu baaqay Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya in ay xafiiska baneeyaan markii ay sheegeen in doorashada soo aadan aysan waqtigeeda ku dhici karin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in talaabadan ay tahay "wadda kaliya ee furan".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa ka dhawaajiyey in horey loo ogaa in guddiga oo hadal noocaas ah kasoo yeeri doono.

"Hadda ka hor ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay. Wuxuu ku jawaabay maya, sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod isla markaana November lasoo doorto baarlamaan, kadib bisha Febraayo doorta madaxweynaha afarta sano ee soo aadan.

Diyaar-garow la'aan, amniga oo aan sugneyn, Al-Shabaab oo qaybo kamid ah dalka maamusho iyo caqabado ayaa hortaagan coddeynta.

Guddiga madaxa-banaan ayaa Sabtida maanta ah u soo bandhigay Golaha Shacabka laba nooc doorasho oo mid ay tahay diiwaan-gelinta casriga oo dhaceysa Agugust, 2021 iyo diiwaan gacanta oo bisha Maaj qabsoomeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM