Guddiga gurmadka qaraxii Ex-kontarool Afgooye oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeynaya gurmadka dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.

Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu ku waaniyey dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada.

Inta ka xaqiijiyey ku dhowaad 80 ruux oo u badan shacab gaar ahaan arday Jaamacadeed ayaa ku dhimatay weerarkii saaka oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyey in gaariga uu waday naftii hore ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Bishii August, 2019 ayay ahayd markii qarax noocaan ah uu ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux kuna dhaawacmeen tirro kale.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM