Guddiga ka socda IGAD oo la shiray DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi ka socda IGAD isla markaana tagay xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya oo ah guddi xaqiiqo raadin ah ayaa Sabtidii gaaray magaalada Muqdisho kadib muddo ku dhow bil oo ay wadeen baaritaanka ku aadan xiisada dhalisay khilaafka diblomaasiyadeed oo labada dal u dhexeeya.

Soomaaliya ayaa jartay xiriirka ay la leedahay Kenya kadib markii ay ku eedeysay Nairobi in ay faragalin "joogto ah" ku hayso siyaasadeeda gudaha waxayna ka baxdey diblumaasiyiintii ka joogtay Kenya. Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya waxay cambaareeyeen talaabada ay qaadey dowladda federaalka ah.

Sidda ay sheegtay Muqdisho oo war-saxaafadeedyo kala duwan soo saartey, dowladda Kenya ayaa sidoo kale waxay maleyshiyo ku hubeyneysaa gobolka Geod. Balse, Nairobi waxay sheegashadaas ku qeexdey "male-awaal".

Nairobi ayaa ku adkaysatay in cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan, wallow khilaafka uu wali uu yahay mid aan xal loo helin.

IGAD oo kulan aan caadi ahayn ku yeelatay magaalada Jabuuti waxay soo xuleen koox kormeerayaal madaxbanaan ah kuwaas oo baaraya qadiyada isla markaana warbixin ku celinaya urur goboleedkan.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa Axadii la kulmay wefdi ka socda IGAD kuwaas oo la wariyey in ay xaqiiqo baadigoob ahaayeen.

Ma cadda hadii kooxdan ay booqatay Nairobi.

Guddiga oo ka kooban safiirada Jabuuti ee Soomaaliya iyo Kenya, Aden Hassan Aden iyo Yaasiin Cilmi Buux, iyo afar sarkaal oo ka tirsan militariga Jabuuti ayaa ka hadlay xaalada ka jirta Geeska Afrika, gaar ahaan xuduudka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waajibaadka guddiga ayaa ah; raadinta xaqiiqda iyo joojinta faragalinta qaawan, kicinta khilaafaadka iyo hurinta rabshadaha. Guddiga ayaa la aas-aasay 20-kii December kadib shir madaxeedkii IGAD eek u qabsoomay caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa looga gaabsaday xiisadda labadda wadan. Hasa ahaatee, waxaa jiray wadahadalo gooni gooni ah oo madaxdu yeelatay isla markaana isla meeldhigeen in lasoo celiyo xiriirka labada wadan kana fogaadaan hadalo xanafta leh ee warbaahinta iyo hawada la isku marinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM