Guddiga la isku hayo oo bedelay jadwalka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey in ay dib-u-dhigeen xulista xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo ay horey u sheegeen in ay bilaabaneyso 31-da December.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku sheegeen in dib-u-dhacaan uu ku yimid dalab ka yimid madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye. Dhanka kale, xafiiska Qoor-qoor ayaan wali xaqiijin hadii dalabkaas uu isagu gudbiyey.

"Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021," ayuu guddigu sheegay.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.


Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay ayaa ku shaqeynaya tilmaamaha Villa Soomaaliya maadaama isugu jiraan saraakiil sirdoon, shaqaale dowladeed iyo taageereyaasha madaxweyne Farmaajo oo dib u doorasho goobayo.

Midowga Musharaxiinta oo aragtidaas aaminsan ayaa codsaday in la kala diro guddiga "maadaama aysan dhexdhexaad ahayn". Waxay ku goodiyeen in aysan doorashadda ka qeybgeli doonin hadii aan isbedel lagu sameyn guddigan ay diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM