Guddiga lagu muransan-yahay oo baaq u diray musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga lagu muransan-yahay ee doorashooyinka Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ugu baaqay musharaxiinta madaxtinimada in ay ka fogaadaan arrimaha ka-hor-imaanaya "anshaxa doorashadda".

"Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wanaagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada," ayay soo qoreen.

Bayaankooda oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayay ku sheegeen in ay u diyaarsan yihiin qabashada doorashadda, waxayna ku baaqeen in degdeg loo xaliyo arrimaha taagan.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo ka duulaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 17 Seebteembar 2020 oo ay si wadajir ah u meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka 1dii Oktoobar 2020. Heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa habka iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda wadanka iyo dhismaha guddiyo doorasho.

Guddigu isagoo ka amba qaadaya heshiiskaas tan iyo waqtigii la magacaabay waxaa u qabsoomay hawlo muhiim u ah, sida doorashada hoggaanka guddiga iyo guddi-hoosaadyadiisa, tababaridda iyo maamul u sameynta guddiyada heer Dowlad Goboleed, diyaarinta habraacyada doorashada, kulamo kala duwan oo guddigu la yeeshay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo wakiillada beesha caalamka.

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada.

Haddaba iyadoo waddanku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.

Guddiga wuxuu xasuusinayaa in mas’uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashadu si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran, si guddigu howlihii loo igmaday u guto.

Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wanaagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada.

Guddigu, wuxuu bogaadinayaa dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.


Ugu dambayn, guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in uu guddigu diyaariyey habraacyadii doorashada ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17kii Sebteembar 2020.


Guddigan ayaa kamid ah caqabadaha hortaagan in waqtigeeda ku qabsoonto doorashadda 2020-21 maadaama musharaxiinta iyo maamuladdu shaaciyeen in ay ku jiraan xubno aan dhexdhexaad ahayn una jaranjeera dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM