Guddiga soo xulista baarlamaanka 2aad ee HirShabelle oo la magacaabay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu magacaabay guddiga soo xulista xubnaha baarlamaanka labaad ee maamulka HirShabelle, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Guddigan ka kooban 11 xubnood oo aysan ku jirin qof dumar ah ayaa guddoomiye looga dhigay Cusmaan Maxamed Mukhtaar, oo ay ku xigeeno u yihiin Saciid Hagar Calamoow iyo Maxamed Macalin Xasan Kulmiye.

Cabdirisaaq Cumar Bood ayaa loo xushay in uu noqdo Xoghayaha guud ee Guddiga, halka Siyaad Maxamed Isxaaq laga dhigay afhayeenka.

"Waxaa la farayaa guddigaan in ay soo gudbiyaan qorshahooda shaqo ayna howshooda gutaan," ayaa lagu soo xiray wareegtadan uu arkay Garowe Online.

Waare ayaa horey u sheegay in soo xulista Xildhibaanada cusub ay bilaaban doonto bisha September, doorashada madaxtinimadana ay qabsoomeyso bisha xigta ee October ee isla sanadkan aynu ku jirno.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli maalmihii lasoo dhaafay uu jiro guux la xiriira in Waare doonayo muddo kororsi. Dadka eedeyntaas u jeedinaya waxay cuskanayaan diyaar-garow muuqda oo aan jirin.

Dowladda Soomaaliya ayaa asbuucii hore waxay ciidamo ka dejisay magaalada Jowhar si ay u sugaan ammaanka oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku geedaaman coddeyntan sidda weyn isha loogu hayo.

Villa Soomaaliya ayaa faragelisay doorashooyinkii Galmudug iyo Koonfur Galbeed si ay u soo saarto murashax taabacsan, balse waxay dharbaaxo kala kulantay coddeyntii Jubaland iyo Puntland.

Doorashada HirShabelle ayaa laga dhowr-sugayaan qaabka ay ugu lug-yeelato, iyaddoo warar soo baxaya ay tibaaxayaan in ay ku fekereyso sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd soo xulista mudaneyaasha cusub.

Wareegtada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM