Guddiga soo xulista baarlamaanka 2aad ee HirShabelle oo la magacaabay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu magacaabay guddiga soo xulista xubnaha baarlamaanka labaad ee maamulka HirShabelle, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Guddigan ka kooban 11 xubnood oo aysan ku jirin qof dumar ah ayaa guddoomiye looga dhigay Cusmaan Maxamed Mukhtaar, oo ay ku xigeeno u yihiin Saciid Hagar Calamoow iyo Maxamed Macalin Xasan Kulmiye.

Cabdirisaaq Cumar Bood ayaa loo xushay in uu noqdo Xoghayaha guud ee Guddiga, halka Siyaad Maxamed Isxaaq laga dhigay afhayeenka.

"Waxaa la farayaa guddigaan in ay soo gudbiyaan qorshahooda shaqo ayna howshooda gutaan," ayaa lagu soo xiray wareegtadan uu arkay Garowe Online.

Waare ayaa horey u sheegay in soo xulista Xildhibaanada cusub ay bilaaban doonto bisha September, doorashada madaxtinimadana ay qabsoomeyso bisha xigta ee October ee isla sanadkan aynu ku jirno.

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli maalmihii lasoo dhaafay uu jiro guux la xiriira in Waare doonayo muddo kororsi. Dadka eedeyntaas u jeedinaya waxay cuskanayaan diyaar-garow muuqda oo aan jirin.

Dowladda Soomaaliya ayaa asbuucii hore waxay ciidamo ka dejisay magaalada Jowhar si ay u sugaan ammaanka oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku geedaaman coddeyntan sidda weyn isha loogu hayo.

Villa Soomaaliya ayaa faragelisay doorashooyinkii Galmudug iyo Koonfur Galbeed si ay u soo saarto murashax taabacsan, balse waxay dharbaaxo kala kulantay coddeyntii Jubaland iyo Puntland.

Doorashada HirShabelle ayaa laga dhowr-sugayaan qaabka ay ugu lug-yeelato, iyaddoo warar soo baxaya ay tibaaxayaan in ay ku fekereyso sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd soo xulista mudaneyaasha cusub.

Wareegtada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM