Guddiga xalinta khilaafka doorashada oo guddoon yeeshay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federal ayaa maanta oo Talaada ah kulankoodii ugu horeeyay oo ka dhacay taandhada Afisiyooni ku doortay gudoomiye rasmi ah.

Kulankan waxa soo xaadiray 21 xubnood. Xilka gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka waxa isku soo sharaxay 1) Cabdilahi Abyan Nuur iyo 2) Cali Maxamuud Farah (Cali Zeko).

Natiijada Doorashada gudoomiyaha ayaa waxay noqotay; Abdulahi Abyan Nuur ayaa waxa uu helay 14 cod, halka Cali Maxamuud Faarah (Cali Zeko) uu helay 7 cod.

"Sidaas darteeda, Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa noqon doona gudoomiyaha cusub ee Guddiga xalinta Khilaafaadka ee Heer Federal," ayaa lagu yiri qoraal rasmiya oo kasoo baxay guddiga doorashada.

Nuur oo ka hadlay madasha lagu doortay ayaa muujiyey farxad badan. Cali Zeko oo qudhiisa ka hadlay madasha wuxuu aqbalay natiijadda, isaga oo wanaag u rajeeyay mas'uulka kaga adkaadey coddeynta.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waajibaadooda wuxuu yahay in ay farageliyaan isla markaana ay si hoose ah ku dhameeyaan khilaafaadka ka yimaada xulista Xildhibaanada labada gole ee waddanka.

Iyadda oo xaruntooda ugu weyn ay noqoneyso magaala madaxda Muqdisho, haddana waxaa degaan doorashooyinka u jooga wakiilo kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii ay qaab deg-deg ah u xalin lahaa cabashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM