Guddoomiyaha cusub Banaadir oo Muqdishu yimid

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, isagoo kasoo kicitimay waddanka Maraykanka oo uu aaday wax yar ka hor intaan jagadaas loo dhiibin.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Somalia iyo maamulka gobolka ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdishu.

Taabid ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida uu xilka laga wareego, waxaana guddiga qabana qaabada ay sheegayaan in xaflad soo dhaweyna ah loogu samayn doono caasumadda Somalia.

Mas'uulkan ayaa booska kala wareegi doono Madaale oo xilkaas soo hayay mudadii ugu dambaysay xukuumaddii Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha cusub ayaa horay usoo ahaa Safiir ku-xigeenka safiirka Somalia ee Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Washington, oo loo magacaabay labo sanno ka hor.

6-dii Bishan April ayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi (Farmaajo) waxa uu Ambassador Thaabid Cabdi Maxamed u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE


Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM