Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo daah-furay Imtixaan-ka garsoorka dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta daah-furay Imtixaanka jagooyinka Garsoore iyo Xeer ilaaliye ee ka banaanaaday maxkamadaha dalka.

Tiro dhan 487 musharrax ayaa ka qeyb galay imtixaankan, iyadoo la filayo in 60 qof ay u gudbaan heerka xiga, 30 ka mid ah musharixiinta ku guuleysata ayaa noqon doona garsoorayaal ka howlgala Maxkamadaha Gobolka Banaadir, halka 30-ka kalena ay ka mid noqon doonaan xeer ilaalinta guud ee dalka.

Imtixaanka ayaa ka dhacay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana uu daba socdaa qaab tartan oo hufan oo xalaal ah, iyadoo ay noqonayso markii labaad oo ay qabato hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in u jeedka tartankan uu yahay sidiI oogu qaadi lahaa adeegyada garsoorka, iyadoo la hubinayo in habka shaqaalaysiinta uu yahay mid furan oo loo siman yahay.

Baashe ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Madaxweynaha Qaranka Dr. Xasan Sheekh waxa uuna carabka ku dhuftay in shaqsiyaadka u soo baxay Imtixaanka ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan dadaalada socda ee lagu soo celinayo sharaftii iyo karaamadii Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM