Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaran oo xilka laga qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xilka qaadis lagu sameeyay, isla mar ahaanta ka saaray xubinnimada Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka heer qaran, Sayid Cali Sheekh Maxamed.

Tallaadabadan ay ka dambeysay kadib markii Xaliimo Yareey oo ah ah gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Yareey ay dacwado ka gudbisay ku xigeenkeeda, Sayid Cali oo ay ku eedeysay inuu maleegayay inuu dumiyo guddiga.

"Sharciga guddiga lagu dhisay ee Sharci Lr.04. Qodobkiisa 10aad. ayaa guddiga awood u siinaya in uu xilka ka qaadi karo xubin ka mid ah haddii ay jebisa sharciga guddiga. Dacwadaha ka dhasha go'aankan guddiga ayaa waxaa kaliya go'aan ka gaari kara maxkamadda sare ee dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Kiiskan ayaa soo socday muddo lix bilood ah, waxana gabagabadii guddigu soo saareen go'aan ay ku caddaynayan in ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen Sayid Cali.

Guddiga doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015. Go'aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa ah kii u horreeyey guddigu ku qaado xubin ka tirsan. 

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka arrimaha gudaha, Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo labada gudoon ee Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa la ogeysiiyay go'aanka shaqada looga eryay mas'uulkan.

Xaliimo Yarey ayaa lagu eedeeyay inay Guddiga ku hogaamin waysay howlihii loo dhisay, iyadoo ka gaabisay shaqooyin culus oo horyaalla, waxaana waxqabadkeeda ku kooban yahay diiwaangelinta Xisbiyo siyaasadeed.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM