Guddoomiyihii hore Buulo Burde oo lagu dilay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Soomaaliya- Mallayshiyaad hubaysan ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxay ku dileen Guddoomiyihii hore ee degmada Buulo Burde, Cabdi Iidow Warsame, sida ay GO u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka Marxuumka ayaa xalay ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Baladweyne, waxaana marxuumka la khaarajiyay xilli uu kasoo baxay masaajid ku yaalla xaafaddaas.

Koox ku hubaysan Bastoolado ayaa lagu soo waramayaa inay dileen Cabdi Iidow islamarkaana goobta ka baxsadeen iyagoo aan la aqoon halka ay ku suganyihiin.

Lama oga cidda dilka gaysatay, balse waxaa loo malaynayaa kooxda Al Shabaab oo inta badan mas'uul ka ah dilalka noocaan ah ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegay in Iidow uu kamid ah culimada ugu caansan gobolka Hiiraan ee faafisa dacwada (Tabliiq), inkastoo 2007-dii uu soo noqday Guddoomiyaha degmada Buulo Burde sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamo katirsan kuw aammaanka Soomaaliya, ayaa goor dambe soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay sameeyeen baaritaan aan la shaacin natiijadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM