Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee Bariire oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqdisho lagu qabtey Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee degaanada Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal dhacay maalintii shalay, 19-ka March ayaa lagu soo qabtey Sarkaalkan, oo aysan dowladda wali magaciisa shaacin.

Dhanka Al-Shabaab wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay oo ku saabsan qabashada Madaxii Maxkamadda Bariire.

Ciidamada amniga ayaa todobaadkan ku qabtey meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho labo xubnood oo midkooda Al-Shabab u qaabilsanaa dilalka iyo fududeynta qaraxyada, sid ay sheegtay dowladda.

Warar ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa soo galeen intooda badan degmooyinka Muqdisho iyagoo kasoo baxsanaya duqeymaha Mareykanka ee gobollada Koonfur Soomaaliya.

Sirdoonka DF ayaa lagu dhaliilay gaabis dhanka helida xogaha ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab iyo weerarada ay gudaha Muqdisho ku maleegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM