Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee Bariire oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqdisho lagu qabtey Madaxii Maxkamadda Al-Shabaab ee degaanada Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgal dhacay maalintii shalay, 19-ka March ayaa lagu soo qabtey Sarkaalkan, oo aysan dowladda wali magaciisa shaacin.

Dhanka Al-Shabaab wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay oo ku saabsan qabashada Madaxii Maxkamadda Bariire.

Ciidamada amniga ayaa todobaadkan ku qabtey meel ku dhaw Garoonka diyaaradaha Muqdisho labo xubnood oo midkooda Al-Shabab u qaabilsanaa dilalka iyo fududeynta qaraxyada, sid ay sheegtay dowladda.

Warar ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa soo galeen intooda badan degmooyinka Muqdisho iyagoo kasoo baxsanaya duqeymaha Mareykanka ee gobollada Koonfur Soomaaliya.

Sirdoonka DF ayaa lagu dhaliilay gaabis dhanka helida xogaha ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab iyo weerarada ay gudaha Muqdisho ku maleegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM