Guddoonka baarlamaanka labaad ee HirShabelle oo lagu doortay Jowhar

Image
Image

JOWHAR, HirShabelle - Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka HirShabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Daahir uu ku guuleestay xilka afhayeenka Golaha Wakiilada maamulkaas.

Sidda uu shaaciyey guddiga, Daahir ayaa helay codad gaaraya 77, halka sharci-dejiyaha laga badiyey oo lagu magacaabo Xildhibaan Goodir uu helay codad wadartooda ay dhan tahay 21 sharci-dejiyeyaal.

Daahir oo ka tirsanaa safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa la sheegay in ay wadatay Madaxtooyadda Soomaaliya oo faragelin toos ah ku sameysay xulista mudaneyaasha.

Qorshaha Villa Soomaaliya ee doorashada HirShabelle ayaa ku lifaaqan damaca madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku doonayo in uu kusoo laabto coddeynta qaranka ee 2020-21.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka gaar ahaan xafiiska agaasime Fahad Yaasiin Daahir ayaa dhankiisa saameyn ku lahaa xulista isagoo liis Xildhibaano qoran u dhiibay guddiga doorashadda.

Dowladda Farmaajo ayaa dooneysa in baarlamaanka HirShabelle ay soo xulaan Senatoro u jaranjeera dhanka Madaxtooyadda marka la gaaro doorashadda jadwalkeeda uu dib u dhaca balaaran ku yimid.

Dhanka kale, Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa si toos ah u noqdey gudoomiye ku xigeenka koowaad kadib markii uu tanaasulay murashaxii la tartamayey oo ah Saadaq Salaad Warsame.

Ugu dambeyntii, jagada ku xigeenka labaad oo ay ku tartameen Mahad Xasan Cusmaan iyo Canab Axmed Ciise waxay labinta raacdey Cusmaan ka gedaal markii uu helay 87 cod, halka Canab ay u coddeeyeen 12 cod.

Mahad ayaa la wariyey in ay qaraabo yihiin Fahad Yaasiin, oo ah mas'uulka ugu tunka weyn dowladda Farmaajo isla markaana gacansaar dhow la leh dowladda Qadar ee taageerada maaliyadeed siisa Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM